tisdag 23 oktober 2018

SIMinAARKII MACALLIMIINTA AFKA SOOMAALIGA EE YURUBTA WAQOOYI OO KA BILAABMI DOONA


http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2016/02/3-10.jpg


Siminaarkii macallimiinta af soomaaliga iyo kaalmada waxbarashada ayaa ka bilaabmaya magaalada Stockholm 
1-3 noofambar 2018.
Haddaba haddii aad tahay macallin dhiga afka soomaaliga amaba caawiye ka caawiya waxbarashada ardeyda ku hadasha af soomaaliga, oo aad ku nooshahay waqooyiga yurub ka soo qayb gal cilmi korodhsigan. Waxaa marti saddexdaa maalmood inoogu ah qoon yahano kala duwan:


  • Barbro Johansson, Stockholms Universitet
  • Anne Reath Warren, Uppsala Universitetet
  • Ann-Marie Körling, Hjulsta skolan
  • Bakar Hasan, Folkminnet, minoritetsspråk
  • Mubarak Xoosh, Socianom/Socialarbertare
Jadwalka siminaarka: guji halkan...
Dalbo Siminaarka: guji halkan.... 

Wixii macluumaad intaa dheer waxa aad ka akhrisan kartaa iyada oo af iswiidhish ah bogga: https: //ssh13.blogspot.com





tisdag 24 oktober 2017

Education/ Waxbarasho

Waxa aan qoraalkan ka keenay internetka. Waxaanan jeclaystay in aan idinla qaybsado maadaama oo ay waxbarashada ka hadleyso.
Education can transform lives, but today millions of young people grow up without acquiring basic reading, writing or math skills. This is not only a wasted opportunity, but a great injustice to the children who most need a good education to succeed in life. Fixing this problem will be possible when learning for all becomes a priority for every country.  For example, Liberia, Papua New Guinea and Tonga improved early grade reading substantially in a very short time. Between 2009 and 2015, Peru achieved some of the fastest growth in learning outcomes due to concerted policy action.  We hope to see many similar success stories. The 2018 World Development Report on education lays out the concrete steps that can help solve our learning crisis. http://wrld.bg/U1Yi30fk7aP



 Jim Kim
Madaxweynaha bankiga adduunka

Waxbarashadu waxa ay wax ka badali kartaa nolosha, Laakiin maanta waxaa jirta malaayiin dhallinyaro ah oo koraya iyaga oo aan helin/lahayn aasaaska waxbarashada ee akhriska, qoraalka iyo xisaabta. Tani ma aha jaanis lumay ama fursad luntay oo kaliya ee waaba  caddaalad daro weyn in carruurta ugu baahi badan in ay waxbarasho  helaan si ay ugu guuleystaan noloshooda aaanay helin taasi. Haddaba in la xaliyo dhibaatadani waa suurto gal, waa marka wadan kastaa uu mudnaanta siiyo in dadka oo dhami ay wax bartaan. Tusaale ahaan Laybeeriya, Baabuwaa Ginida cusub iyo Tonga waxa ay ku guuleysteen wakhti gaaban gudihiisa in ay wanaajiyaan shahaadada wax akhriska bilowga horeba si la taaban karo. Intii u dhexeysay 2009 iyo 2015 waxa uu wadanka Beeruu ku guuleystay oo uu gaadhay horumar degdeg ah oo xagga waxbarashada ah, sababta oo ah isku dubaridid iyo isku hagaajin tallaabooyin waxqabad oo ay siyaasiyuuntu gaadheen darteed.
Waxa aan rajayneynaa in aan aragno guulahaas taariikhiga ah kuwa la mid ah oo kale.
Warbixintan horumarka waxbarashada ee 2018 waxa ay ka koobantahay tallaabooyin la taaban karo oo keeni karaya in la xaliyo dhibaatooyinka  inaga hortaagan barashada.

http://wrld.bg/U1Yi30fk7aP

Waxaa turjumay: Maxmmed Xassan
Haddii aan si qaladan aan wax u turjumay fadlan waxa aan kaa codsanayaa in aad ila soo xidhiidhid, oo aad igala soo xiriirtid E-maylkan moabdull11@gmail.com.

torsdag 12 oktober 2017

Halqabsigii maanta

“Education is the most powerful weapon we can use to change the world.” 

NELSON MANDELA (2003)



 “If your plan is for one year, plant rice. If your plan is for ten years, plant trees. If your plan is for one hundred years, educate children.”

 KUAN CHUNG (7TH CENTURY BC)


Halqabsigii maanta

"Cilmigu waa hubka ugu culus ee aan adeegsan karno si aan u badalno aduunyada."

NELSON MANDELA (2003)
Turjume: Mohammed Hassan (2017) 

"Haddii uu qorshahaagu yahay hal sano, beero bariis. Haddii uu qorshahaagu yahay toban sanadood, beero geedo. Haddii uu qorshahaagu yahay boqol sanadood, carruurta wax bar."

KUAN CHUNG (7TH CENTURY BC)
Turjume: Mohammed Hassan (2017) 


tisdag 6 december 2016

Hey'adda macaamiisha!


 Startsidan

Sidii aan horeyba idiinku sheegayba waxaan badalay shaqadeydii hore oo ahayd macallinnimo. waxa aan hadda u shaqeeya degmo ku taal Stockholm, qaybta isdhexgalka iyo qaabilaada.
Waxa aan haddaba maalin dhaweyd aan helay oo isoo gaadhay joornaal ay soo saartay hey'adda  macaamiisha ee Iswiidhen. Joornaalkaasi waxa uu ku qoran yahay afaf kala duwan oo uu ka midyahay af soomaaligu halka riix. haddii aad dooneysid inaad ku akhrisatid afka iswiidhishkana halkan guji. waxa aad halkaas ka helaysaa macluumaad aad u badan oo muhiim ah oo ku saabsan macaamiisha, sharciyada macaamiisha iyo  shirkadaha ay macaamiishu dacweeyaan. haddaba haddii aad dooneysid inaad wax ka ogaatid sharciyada macaamiisha isku xidhayaasha kor ku yaala riix.

onsdag 16 november 2016

Muddo aad u dheer......

ASC.

Muddo aad u dheer wax ma aanan  soo galin sababta oo ah aniga oo shaqadii aan ka shaqayanayay badalay. marka shaqo cusub la bilaabo wakhti ayey qaadataa inta lala qabsanayo.
hadda alxamdu lillaah waan la qabsaday, waxaanan rajeynayaa inaan mar labaad hawada ku soo noqdo.

Mohammed H.

onsdag 6 april 2016

Rugta buuggaagta/ maktabadda/ laybareeriga...


 14 maarso 2016 waxa aan booqaasho cilmi korodhsi ah ku tagnay aniga iyo ardeyda aan la shaqeeyaa rugta buuggaagta/maktabadda ama laybareeriga qofba sida uu u yaqaano ee Stockholms Stadsbibliotek. 
Magaca ku hoos qoran magacaasi maktabadda waa magaca ninkii naqshadda dhismaha laybareeriga sameeyey sannadku markuu ahaa 1928.

Waxaa kale oo aan booqanay iyadna maktabadda caalamiga ah (internationella biblioteket) oo  ku taala meel aan halkaa ka fogeyn.
Waxaa halkaas kuugu diyaar ah shaqaale ku hadla afaf kala duwan. Waxaanse ka xumahay inaanay haysanin qof af soomaali ku hadla. Si kastaba ha ahaatee waxaa halkaas aad ka heli karaysaa shaqaale aad iyo aad diyaar kuugu ah inay ku caawiyaan iyo waliba buuggaag badan oo af soomaali ku qoran.
Waxaa kaloo halkaas yaala cajalado waxyaabo badan oo kala duwani ay ku duuban yihiin.
Waxaa halkaasi yaala in kabadan 200 000 (laba boqol oo kun) oo buuggaag ah oo ku kala qoran ilaa iyo 100 af oo kala duwan.
Wargeysyo iyo cajalado.  


Qaar ka mid ah buuggaagta af soomaaliga ku qoran!
Qaar ka mid ah buuggaagta af soomaaliga ku qoran!

Ma tagtaa maktabaddaha oo ma leedahay kaadhka buuggaagta iyo qalabka kale ee meesha yaala lagu amaahdo/amaaneysto? 
Tusaale fiican u noqo carruurtaada, qaraabadaada iyo inta kale ee ku taqaana.
Ma is weydiisay markaad maktabadda/laybareeriga aad dhex joogtid waxa buug kugu wareegsan in ay qoreen qorayaal kala duwan, waddamo kala duwan kala jooga, afaf kala duwan ku kala hadla oo ay intuba diyaar u yihiin inay wax kuu sheegaan.
Midka aad adigu dooratid kaliya ayuun baa wax kuu sheegi kara.
Miyaanay markaas u qalmin inaad marar badan aad booqatid meeshaas?
Fikirkaaga nala qaybso akhristow aad buu muhiim u yahaye!

Mohammed A.
















torsdag 31 mars 2016

Kulan qaaliya...


Ma tahay macallin?
Ma tahay ardey?
Ma tahay aqoonyahan?
Ma ku hadashaa af soomaali?
Ma ku nooshahay Sweden?

Waxaa marti kuu ah oo carri fog kaaga yimid aqoon yahan:
Jaamac Muuse Jaamac.

Martiqaadkaagiina waa kan ee halkan riix

Ku soo dhawoow gacmo furan!